Dr Gaas: “Ma Dhacdo Qof Aan Dambi Gelin in Saxiixayga Lagu Dilo”

0
188

Garowe(INO)- Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa markii u horraysay ka hadlay tacdiyo iyo jirdil la sheegay in lagu sameeyo dhalinyarada lagu eedeeyo inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab si ay u qirtaan dambiyadooda.

Waraysi uu siiyay VOA ayuu ku sheegay in ayan marnaba ka dhicin Puntland in Jirdil lagu sameeyo qof dambi galay ama lagu tuhunsan yahay, islamarkaana uusan weligii ogolaan doonin in tacdi lagu sameeyo qofna si uu qirto dambigiisa