Dr Gaas Iyo RW CCC Oo Ka Wada Hadley Qorsho Xasaasi Ah +Sawiro

0
194

Muqdisho (INO) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa looga wadahadlay arrimaha doorashooyinka, waxaana leysla soo qaaday hanaanka loo maraayo doorashada Cumar C/rashiid oo u baahan codadka Xildhibaano farabadan.

Labada mas’uul ayaa isla soo hadalqaaday cadadka Xildhibaanada u diyaarsan iyo inta u harsan waxaana cadadka diyaarsan dhaliilay Cumar C/rashiid oo u baahnaanaya Codadka Xildhibaano farabadan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa C/wali Gaas ku tashkiiliyay in mudada uu joogo magaalada Muqdisho uu diyaariyo qorsho cusub oo lagu kasbankaro Xildhibaanada aan wali lala galin wadahadalka.

C/wali Gaas, ayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho kulan khaas ah la qaadan doona Xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland ee iminka ku sugan magaalada Muqdisho iyo Xildhibaano kale si uu uga dhaadhiciyo in la adkeeyo ballanka ah in la doorto Cumar C/rashiid.

Xildhibaanada uu la kulmi doono ayaa ka dalban doonaa in codka ay siiyaan Cumar C/rashiid waxaana xusid mudan in Xildhibaanada ugu badan ee lagu soo doortay magaalada Garoowe ay yihiin kuwo lagu keenay rabitaanka C/wali Gaas.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu wadaa in dhamaadka Bishaani lagu doorto Madaxweynaha cusub ee uu yeelan doono dalka.

Halkan Ka Daawo Sawiro