Ku:-Gudiga Qaban-qaabada Maaul usameynta Kgalbeed…..( Gogasha Baydhaba)
Ku:-Golaha Malaaqyada Maamul usameyntaKgalbeed….( Baydhaba)
Og:-Shacabweynaha ku dhaqan Kgalbeed ee Gudaha Dalka soomaaliya
Og:-Qurba-joogta reer Kgalbeed ee Qaaradaha Aduunka.
Ku:- WARBAAHINTA MADAXA BANAAN, Gaar ahaan WARBAAHINTA ( ARLAADA)
MURASHAX XILKA MADAXWEYNE MAAMUL GOB. KGalbeed SOOMAALIYA.
Waxaan idinku wargelinayaa,in aan u taagnahay, oo aan Murashax u ahay xilka Madaxweyne ee Maamul Gob. Kgalbeed
Anigoo aaminsan in aan ka soo bixi karo, hadii aad ii igmataan xilkaan culus&waqtiga adag,waxaan is leeyahay,waad ka gudbin kartaa Dadweynaha ku nool Deegaanada Koofurta Soomaaliya,oo ah Dadyow u Haraad-qaba hogaan,gudbiya waqtigaan adag & marxaladaha guud ee Dalka ka jira awgeed.
Waxaan ahay Ruux Aamin,samir,Aqoon&Geesinimo uu ku gudbiyo Ummadiisa,waqtigaan adag&marxaladahaan khalifsan ee Dalka ka jira,ayaan ahay.
Waxaan ka mid ahaa Aqoonyahanadii Bayaankii Labada webi ee sanadkii 1990
Xubin aad u fir-fircoon waxaan ka soo noqday jabhadii S.D.M. sidaas oo kale waxaan Taageere Madaala ah aan u soo noqday Jabhadii Xaq u dirirka R.R.A.Haatana waxaan ahay,Madaxweynaha Kgalbeed,iyadoo sanadii 2010,aay ii gu doorteen,Jaaliyada Reer Kgalbeed ee ku nool wadanka boqortooyada sacuudiga,iyadoo,malaaqyadii & waxgaradkii hormuudka ka haa maamulkaasi la igu doortay
qaarkood ay haatan ku suganyihiin Gogosha Baydhaba,iyadoo ay jireen maamula kale,laakin maalintii ay warbaahinada ka sheegeen ay Arag&Maqal ugu danbeeysay,balse Aniga ilaa&Daqiiqadaan in aan u taagnahay,Difaaca Qadiyada guud,taas waxeey cadeeyneeysaa Aaminimadeeyda,
kama caajisin,Banaana uguma tagan xilkii leeygu magacaabay,iyoon waayay Hiil &Hoo,laakin ilaa Ummadeeyda ay maamul ay ka yeelato sidaas ayaan,xilkaasi ii saarnaanayaa,balse maalintii ay maamul aay uwada dhanyihiin ay sameestaan,xilka uu iga degi doono.Hadaad ii doorataan & hadaan ii dooran waxaa iga go`an inta aan noolahay in aan Qaliyada Dadkeeyga&Deegaankeey aan U adeego,intii aan kari-karo.
Dar-daarteeyda waa:- (CADAALAD & MIDNIMO)
Dr,Cali Cabdi.A. Baab
Idale News Online, kG soomaaliya.
Isha: BANA.