Dr Axmed Faarax Ducaale, Madaxwaynaha Maamulka dibad Jooga ah ee Jubbaland ayaa ka hadlay tagitaanka Barre Hiiraale ee Magaalada Kismaayo iyo maamul u sameynta gobalada Jubooyinka.
Ducaale ayaa yiri, “Shirka Kismaayo ka socda shir qaldan waaye. Shir xaaraan ah waaye. Shir wax ka soo baxaan maaha. waxaa shirkaasi wada qolya aan u dhalan deegaanka kana yimid meelaha fog fog. Barre Hiiraale Shaqo kuma laha shirkaasi. Barre iyo kooxha halkaasi ku sugan lama simi karo. Barre waa nin masuul ah kooxahaasina waa kuwa aan nabada dalka ka shaqeyneyn oo dalalka deriska ah qaaarkood u dhashay”.
Barre Hiiraale waa mawaadin Soomaaliyeed. Waa masuul Soomaaliyeed. Madaxda ciidanka qaranka ayuu ka mid yahay. Madax ayuu kasoo noqday deeganka hadana wuu ka noqon doonaa. waxa uu yimid deegaankiisii uu ka soo jeeday isla markaana uusan cidna uga fasax qaadaneyn inuu deegaankii uu kasoo jeeday tago. Waxaaba jooga kuwa degaanada kale ee dalka ka yimid iyo kuwa maamulka dhismihiisa wada oo qaarkood aan Soomaali aheyn”, intaa ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dr Axmed Faarax Ducaale ayaa waxa uu ku tilmamay qolyaha diidan Barre in ay yihiin qolya cuqdadeysan oo cid ka saari karta cuqdada aysan jirin.
Hadalka masuulkaan ayaa waxa uu yimid iyada oo hadal heynta Kismaayo waayahaan ay noqotay wararka ugu weyn Soomaaliya kadib tegitaankii Barre Hiiraale.
Idale News Muqdisho