Dr. Aweys Sh.Muhiyadiin Amiin oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Madaxda gobolka Bay ee Baydhabo

0
196

Waxaa magaalada Baydhabo oo xarun u ah gobolka Bay isla markaasna ah madasha shirka dhismaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Somalia si weyn loogu soo dhaweeyey Gudoomiayaha Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee dalka Australia Dr. Aweys Sheikh Muhiyadiin Amiin oo si aad ah looga yaqaano dalka Soomaaliya, gaar ahaanna gobollada koonfur galbeed Soomaaliya.

Aweys Sheikh Muxiyadiin oo dhanka samafalka muddo ka jiray  ayaa waxaa si aad ah loogu xasuustaa doorkiisa dhinacyada horumarinta iyo adeega bulshada ee gobolada Koonfur Galbeed sida waxbarashada iyo caafimaadka iyo dayactirka xarumaha daryeelaka bulshada, waxaana waxqabadkiisa iyo kan jaaliyada DM ee Australia laga xusi karaa dayactirkii iyo qalabeyntii lagu sameeyey Isbitaalka Magaalada Baydhabo oo aan wax dayactir ah haba yaraatee helin tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Somalia 1991 iyo  barnaamijkii afurinta dadka masaakiinta ah ee waxba awoodin ee bisha Barakeysan ee Ramadaanka.

aweys

Aweys Sheekh Muhiyadiin oo muddo 20 sano ka hor ay ugu dambeysey dalka Somalia ayaa markii uu magaalada Baydhabo soo gaarey waxaana garoonka ee Col Shaar Gaduud ku soo dhaweeyey  masuuliyiinta gobolka, odayaasha dhaqanka iyo dad kale oo aad u tiro badan. Dadka soo dhaweeyay Dr Aweys Sheikh Maxamuud ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqaneeysay sida ay ugu farxsan yihiin imaanshihisa gobolka, iyadoo dhankiisa aqoonyahanku  uu aad ugu faraxsanaa imaanshaha dalkiisa iyo waliba sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo, isagoo sidoo kale sheegay in imaanshaha aqoonyahanada iyo waxgaradka ka soo jeedo gobolada Koonfur Galbee Soomaaliya ay  muujineeyso nabadda gobolka ka jirta iyo dadaalka loogu jiro in laga mira dhaliyo shirka haatan ka socda magaalada Baydhabo ee la doonaayo in maamul ka kooban 6 gobol halkaas looga dhawaaqo.

Magaalada Baydhabo ayaa la ciirciiraysa wafuud kala duwan oo ka kala imaaneysa qurbaha iyo guud ahaan gobolada Jubooyinka, Gedo, Shabeelaha Hoose, Muqdisho iyo Bakool kuwaasoo dhamaantood ka qeyb ah shirka lagu dhisaayo maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo inta badan wafuudii lagu xasumey ay goob joog ku yihiin madasha shirka  uu ka socdo ee  magaalada Baydhabo.

Idale News Online Baydhabo