Dr. Abdirahman D. Beileh oo kala hadlay Stefano Porretti heshiis cusub oo dowladda Soomaaliya la saxiixato hey’adda WFP.

0
203

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi uu hogaaminayoStefano Porretti oo ah Wakiilka ahna agaasimaha u qaabilsan hey’adda WFP wadanka Soomaaliya , waxa ayna ka wada hadleen arrimaha gargaarka iyo heshiis cusub oo dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adaasi.

H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay howlaha gargaar ee hey’adda WFP ay ka fuliso wadanka Soomaaliya ,waxa uuna codsaday  in hey’addu ay kaalin balaaran ka qaadato taakuleynta dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolada , degmooyinka iyo deegaanada dhowaan laga xoreeyay kooxda nabad diidka oo baahi weyn u qaba gargaar samafal oo dhanka cunnada iyo dawada.

Kulankani ayaa waxaa sidoo kale looga dooday , laguna falan-qeeyay dib u eegis lagu sameeyo heshiiska howlgalka hey’adda WFP ee Soomaaliya , iyadoo dib loo saxiixanayo heshiis cusub .

Waxaa xusid mudan in Jamhuuriyadda Soomaaliya ay heshiis la saxiixatay hey’adda WFP sanadkii 1967-dii , waxaana la isla gartay iyadoo la tixraacayo wadashaqeynta xoogan ee u dhaxeysa dowladda iyo hey’adaasi in dib loo saxiixdo heshiis cusub oo waxtar iyo qiimo u leh dalka.

Kulankani oo ku soo idlaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha waaxda ururada adduunka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgeshiga Ali Mohamed Ali iyo saraakiil kale oo Wasaaradda iyo hey’adda WFP ka .

ducaale

Idale News Online.