Muqdisho (INO) – Sirdoonka DFS ayaa la kaashanaya kan Britain Baaritaan lagu Sameynayo qaar ka mid ah Xubnaha Jirka Haweeney la sheegay in ay isku Qarxisay Jimcihii Tegay Hotel ku yaalla Muqdisho.
Baaritaanka ayaa la sheegayaa in uu ka dhacayo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, kaasoo ay iska Kaashanayaan Ciidamada Sirdoonka Qaranka iyo kuwa Dowladda Britain, waxaana lagu Sahminyaa Haweeneydaas oo la sheegay in ay ka Timid dalka Dibaddiisa Qorshihii ay Somalia u timid iyo waxa ka Dambeeyay in ay Weerarkaas Bahalnimada ah ku qaaddo dad Salaad u Taagnaa.
Madaxa Haweeneydaas oo Dhameystiran aysan Wax Dhaawacyo ah ku Aallin ayaa la sheegay in uu ku dhacay Hotel ku dhow kan Qaraxa uu ka dhacay, kaasoo lagu Magacaabo Naasahablood 2, Halkaas oo ay kasoo Qaadeen Sirdoonka DFS, kedibna loo dhaadhiciyey Xarunta Dembi Baarista si wax uun looga Ogaado.
Hadda waxaa uu yaallaa Madaxa Haweeneydaas Xarunta Safaaradda Britain ee ku dhex taalla Garoonka Xalane, waxaana Socda Baaritaan Wadajir ah oo lagu Sameynayo Madaxeeda, qof ka mid ah dadka ka Agdhow Safaaradda ayaa u sheegay Keydmedia Xogtaan ah Baaritaanka Wadajirka ah ee Socda.
Idale News Online – Muqdisho