Dowladee sababtay in shirkii madasha uu guul ku idlaado?

0
741

Muqdisho (INO) – Iyadoo madaxda Soomaalida ay muddo Asbuuc ah ku shirsanaayen magaalada Muqdisho si xal looga gaaro murankii ka taagnaa xuquuqda Gobolka Banaadir, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaya in war-murtiyadeedka laga soo saaray shirkaasi ay sabab u aheyd Dowlada Ethiopia.

Dib u dhaca maalmihii tagay ku imaaday xiliga natiijada shirka madasha ayaa waxaa u sabab ahaa Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo ku doodaayay qodobo u muuqday mid lagu fashilinaayo shirka.

C/wali Gaas ayaa tallo soo jeedin ku aadan aqbalida go’aanka Gobolka Banaadir lagu gaarsiinaayo Aqalka sare ka diiday Madaxda Dowlada Somalia iyo kuwa Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Madaxda Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku qasbanaaday in ad adeega C/wali Gaas ay kala hadlaan Dowlada Ethiopia oo la rumeysan yahay in amarkooda uu ku shaqeynaayo.

Ilo wareedyo ku sugnaa madasha shirka ayaa IdaleNews.com u xaqiijiyay in C/wali Gaas ay lasoo hadleen Ra’isul wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn iyo Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Tedros Adhanom.

Hailemariam iyo Tedros ayaa C/wali Gaas ku amray inuu qaato mowqifka ay qabto Dowlada Somalia iyadoo la maraayo sida uu qabo Dastuurka Somalia.

Hailemariam iyo Tedros, waxa ay sidoo kale C/wali Gaas ku amreen inuusan ka duwanaan maamulada kale islamarkaana uu u hogaansamo talooyinka DF iyo Beesha Caalamka.

Gaas ayaa aqbalay talooyinka Hailemariam iyo Tedros, waxa uuna intaa kadib uu muujiyay tanaasul.
Gaas ayaa kala bar ka tanaasulay qodobadii uu tiigsanaayay waxa uuna iminka qaatay go’aanka Dowlada, kadib markii uu canaan kala kulmay Dowlada Ethiopia oo liijaanka u heysa.

Dowlada Ethiopia ayaa saameyn Siyaasadeed ku dhex leh Somalia, waxa ayna maamushaa Dowlado yar yar oo ku caasiyoobay DFS kuwaasi oo kala ah Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

War-murtiyeed kasoo baxay DFS ayaa waxaa lagu shaaciyay 14 Qodob oo laga soo saaray shirka madasha Qaran ee looga doodaayay Xuquuqda Gobolka Banaadir iyo doorashada.

Idale News Online, Muqdisho