Dowladdaha Maser iyo Soomaaliya oo Heshiis kala saxiixday

0
365

Qahira (INO)—Dowladdaha Soomaaliya iyo Maser ayaa ka wada hadlay Xiriirka dhaqaale iyo midka Ganacsi ee ka dhaxeeya labada Dalk.

Hossam Qawesh oo ah Afhayeen u hadlay Ra’iisul Wasaarah Maser, ayaa sheegay in labada Dal ay isla garteen in ay iska kaashadaan gacansiga xoolaha oo Somalia ay hodon ku tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Maser, Shariif Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in Wafdi ay u diri doonaan Soomaaliya, si ay u soo qiimeeyaan waxyaabaha ay ka caawin karaan Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Maser ay la soo saxiixdeen Heshiis hor-dhac ah oo ku saabsan Ganacsiga ay labada Dal wadaagi doonaan.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Dowladda Maser ay magaal gashi ku sameyn doonto dhinaca xoolaha iyo kaluumeysiga oo ka mid qayraadka Dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Qahira