Dowladda UK oo Saldhigyo Ciidan ka dhiseya Koonfur Galbeed Somaliya

0
184

Baydhabo(INO)- Dowladda UK ayaa waxaa ay Saldhigyo Ciidan ka dhiseysaa degaannada Dowlada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed ahna Wasiirka Beeraha Maamulkaas Maxamed XasanFiqi,ayaa sheegay in Maamulka Koofur Galbeed iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ay isku afgarteen dhismaha labo Saldhig oo lagu tababaro Ciidanka Maamulkaas.

Sidoo kale Maxamed Xasan Fiqi,waxaa uu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ka caawineyso maamulkaas qalabeynta Ciidanka lagu tababarayo labo Xero ciidan ee ay ballan qaadday Dowladda Ingiriiska in ay dhiseyso.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Maamulkaas iyo Safaaradda ay 4 Cisho ka hor ka wada hadleen saldhigyadaas,sidoo kalena maanta ay doonayaan in ay billaabaan fulinta howshaas.

Idale News Online,Muqdisho