Dowladda Turkiga oo Kuliyad Caafimaad ka dhiseysa magaalada Muqdisho

0
274

Hay’ad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa waxay maanta si rasmi ah u bilowdey dhismaha jaamacad loogu magac-darey Horseed oo lagu baran doono Cilmiga Caafimaadka, kuliyaadaas oo in ka badan 2000 (Labo Kun) oo ardey ay hal mar wax ku baran karaan.

Waxaa dhagax dhiga Kuliyadaan cusub ee caafimaadka Horseed (Horseed Faculty of Medice) joob joog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Somalia & Wasiirka Waxbarasha & Hiddaha. iyagoo labada masuulba sheegeen iney qorshahaanu yahay mid wax ka bedeli karta baahida waxbarashadda gaar ahaan dhanka caafimaadka isla markaasna kor u qaadi doona tayada caafimaadka daboolina kara guud ahaan baahida dhaqaatiirta Somalidu u qabto kuliyada noocaan oo kale ah, welina mataano la ah jaamacada caafimaad ee Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa taageero balaaran oo dhanka arrimaha bulshada la soo gaarey Somalia tan iyo markii Ramadaankii la soo dhaafey Ra’iisul Wasaare Tayip Ordogan uu Muqdisho booqdey. Isagoo dhamaan balanqaadyaddii dhanka arrimaha bulshada (Sida dhismaha Airport, wadooyinka Muqdisho, dhismayaasha dowlada, xarumaha waxbarashadda, Cisbitaalo, deeqo waxbarasho iyo waliba gargaar ba’inaadanimo oo aan horey noociisa oo kale loogu arag Somalai) wax ka qabtey, waxaana weli jirta in shacabka turkiga iyo dowladda Mr. Tayip Ordogan iyo xisbigiisa AK party ay  balanqaadyo hor leh ugu yaboohayaan Somalia.

 

Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com