Dowladda Turkiga oo guul weyn ay usoo hoyatay kadib markii ay…

0
170

Muqdisho (INO) – Dowlada Turkiga ayaa xabsi dhigtay 400 qof oo lala xiriirinaayo Kooxda Daacish, kuwaa oo looga shakisan yahay inay abaabulayeen weeraro ismiidaami ah.

Dadkaani la tuhunsan yahay ayaa waxaa howlgal kusoo qabqabtay Booliska Turkiga, gaar ahaan qeybta la dagaallanka argagixisada.

Dadkaani loo xiray tuhunka ayaa waxaa laga soo qabqabtay Seddex guri oo ku yaalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Tirsadaani la sheegay inay xubno ka yihiin Kooxda Daacish, ayaa kasoo kala jeeda ilaa Afar dal sida Yemen, Syria, Ciraaq iyo Liibya.

Dadkaani ayaa waxaa iminka la sheegay in lagu baaraayo Xabsiga dhexe ee magaalada Ankara, waxaana suuragal ah in loo sii gudbiyo Maxkamda, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa dagaal kula jirta Kooxda Daacish, tan iyo Markii lagu tiray inay garab siiyaan Daacishta Syria.