Dowladda Soomaaliya oo galabta si buuxdo ula wareegtay Degmada Waajid.

0
183

Ka gadaal markii ay Ururka Al Shabaab culeys kala kulmeen Ciidamada Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya, ayaa waxay maanta isaga baxeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Ciidamada labada Dowladood oo si weyn u qalabeysan, ayaa waxay galabta gudaha u galeen Degmada Waajid, xilli ay xaalad kacsanaan leh ay ka jirtay Degmadaasi.

Labada Ciidan, ayaa si nabdoon gacanta ugu dhigay Degmada Waajid, mana jirin wax iska caabin ah oo ay muujiyeen dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ee Gobolka Bakool.

Sidoo kale Masuuliyiinta Dowladda ee horkaceysa Ciidamada la wareegay Degmada Waajid, ayaa waxay xilligaan kormeerayaan Xarumaha Degmada Waajid, ku yaala.

Dhanka kale boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan Degmada Waajid, ayaa isaga baxay saacadihii ugu dambeeyay, kadib markii ay Shabaabku ku khasbeen in ay isaga baxaan Degmadaasi.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa muuqaneyso in ay si dardar leh ku soconayaan hawlgalada lagu doonaayo in Ururka Al Shabaab looga sifeeyo Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
breakingIdaleNews
Idale News Online