Kuwait (INO)-Dowladda Kuwait ayaa markale ku celisay in Dowladda Federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ay ka taageeri doonto la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.
Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dowladda Kuwait, Sheekh Sabaax Al Khaalid Al Xamad Al Sabaax ayaa ku celiyay in Dowladdiisa ay Soomaaliya ka caawin doonto cirib tirka waxa loogu yeero Argagixisada.
Wasiir Sabaax Al Khaalid Al Xamad ayaa hadalka ka sheegay kulan gaar ah uu Xarunta Wasaarada Arimaha Dibadda ee Dalka Kuwait kula qaatay Wsiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Janaraal C/qaadir Sheekh Diini.
Kulankan u dhaxeeyay Wasiirka Arimaha Dibadda Kuwait iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qeub galay Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo Taliyaal Ciidan oo ka mid ah Dowladda Kuwait.
Ugu dambeyn, Wasiir C/qaadir Sheekh Diini ayaa kaga mahad celiyay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kuwait oo ku aadan taageerada ay siinayaan Soomaaliya isagoo carabka ku dhuftay in Kuwait ay horay taageero wacan uga geysatay Soomaaliya.
Idale News Online, Kuwait