Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Ka Hadashay Howlgallo Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

0
216

Baydhabo(INO)-Dowladda  Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo deeganno ka tirsan maamulkaasi laga qabsaday maleeshiyada kooxda Shabaab iyo dhaqan celin loo soo sameynayo maleeshiyad kooxdaasi horey uga goostay.

eelaay

Wasiirka hub  ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Dowladda  Koonfur galbeed Xasan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Idale News Online  ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso howlgallada ka dhanka ah  Al-Shabaab ee ay ciidamada ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobollada  Bay iyo Bakool, isagoo intaa ku daray in howlgallada la joogteyn doono, ayna cidamada kula wareegeen deegaanka Goof Gaduud.

“Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay la wareegeen deegaanka Goof Gaduud iyo deegaanno kale, halkaasi oo uu tilmaamay in laga sifeeyay haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab” ayuu yiri Xasan.

Wasiirka Hub-ka dhigista iyo maleeshiyaadka ee Dowlaadda  Koonfur galbeed ayaa xusay in toban degmo oo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ay ka fureen xarumo lagu dhaqan celiyo maleeshiyaadkii ka soo goostay Al-Shabaab, isagoo markale baaq u diray dhallinyarada ay qaldeen inay isku soo dhiibaan gacanta ciidamada xoogga dalka.

 Idale News Online, Xafiiska baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here