Dowladda KGS iyo Bahda Saxaafadda Ee Baydhabo Oo Cambaarayey Dilka Wariye Daa’uud Cali Cumar

0
267

Baydhabo(INO)-Allaha u naxariste wariye Daa’uud Cali Cumar oo ka mid ahaa wariyaasha ka howgl gali jiray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo habeenimadii xaley isaga iyo xaaskiisa lagu dilay guri ay ka daganaayeen magaaladaasi ayaa maanta oo khamiis  marxuumiinta  waxaa lagu wada  aasay qeybo ka mid ah Magaaladaasi.

UgaaXASAN

Waxaana aaska  ka qeb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ehelada marxuumiinta  iyo wariyaasha Magaaladaasi ka howlgala.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Dowladda koonfur Galbeed Soomaaliya  Ugaas Xasan Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in Dowladda KGS  ay aad uga xun Tahay dilkaasi  wariyaha iyo xaaskiisa loo gestay.

Waxa uu sidoo kale wasiirka warfaafinta  uu tilmaamay in baaritaano xoogan uu soconayo  kaasi oo  ku aadan baadi goobka  raggii dilkaasi foosha xun ka danbeeyey.

Waxaan aad uga xunahay dhacdadaan waxaana wadnaa baaritaano wariye Daa’uud waxa uu ahaa geesi maalmaha soo socda  war fiiran ayaad maqli doontaan,” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi

Sikastaba saxafiyiinta ka howlgala idaacada Radio Beydhabo ayaa aaska kadib waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direen qaraabada Daa’uud Cali Cumar oo ay iskala howlgalayeen idaacadaasi waxa ayna ilaah uga baryeen in janadii fardowso uu ka waraabiyo.

Halkan Ka Daawo,Caasha Kiin-Wariyaha Xaqdhow

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here