Dowladda KG Soomaaliya Dib U Hawlgalisey Garoonka No.50 Ee Gobolka Shabellaha Hoose

0
242

NO.50(INO)-Dowladda  Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta dib u howlgeliyay garoonka N0 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi uu si rasmi ah u furay Wasiirka Gaadiidka ee Dowladda KG  Mudane Cabdullaai Black, isagoo shaaciyay in wixii hadda ka dambeeya uu garoonka furanyahay.

Munaasabadii lagu furayay garoonka N0 50 waxaa qeyb galay Wasiir, Wasiir ku-xigeenno, Guddoomiyaha Degmada Marka, saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay dib u howlgelinta garoonka diyaaradaha ee deegaanka N0 50, kaasi oo qeyb ka noqonaya garoomada diyaaradaha ee ay maamulaan maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya.

Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdiqaadir Nadaara oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in wixii maanta ka dambeeya uu furanyahay garoonka deegaanka N0 50, isagoo intaa ku daray in ganacsatada

“Wasiirka gaadiidka waxa uu sheegay in garoonka N0 50 uu u furanyahay ganacsatada, isla markaana uu ka midyahay garoomada diyaaradaha ee hoos imaanaya Maamulka Koonfur galbeed ee dalka, waxaa iminka socoto howlo dib u dayactir lagu sameynayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe, kii Baydhabo sidoo kale dib u dayactir ayaa lagu sameynayaa, marka maamulka waxaa ka go’an dib u howgelinta garoomada diyaaradaha” ayuu yiri Afhayeenka KGS

Cabdiqaadir Nadaara ayaa xusay in Dowladda Koonfur galbeed ee dalka uu ku guuleystay xalinta dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, taasina ay keentay in maanta dib loo howlgeliyo garoonka diyaaradaha N0 50 oo in ka badan 10 sano xirnaa.

Ugu Dambeyntii Afhayeeenka Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhawaan ay deegaannada fara ku tiriska ah laga saari doono maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo intaa ku daray in Dowladda Koonfur galbeed ay ku howlantahay arrimaha dib u heshiisiinta.

Idale News Online, NO.50

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here