Dowladda Kenya oo walaac xooggan ka muujisay Qorshaha dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed

0
205

Nairobi(INO) — Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa walaac ka muujiyay dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha Dhadhaab ku nool, isagoo sheegay in marka loo eego heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dowladda Somalia Kenya iyo UNHCR aan tiro badan oo qoxooti ah dib loogu celin dalkooda Somalia.

Mr. Nkaissery ayaa intaas ku daray in dadka ku laabtay Somalia ay aad u yar yihiin iyadoo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan ay tiradoodu gaarayso 50,000 oo qof, kuwaasoo uu sheegay inay culeys ku yihiin dalkooda.

“Kuma Qanancsanin qaabka loo fuliyay heshiiskii aan wada-gaarnay bishii Abriil ee sannadkii hore 2014-kii, iyadoo aan wax badan lagu guuleysan in laga qabto xaaladda qoxootiga,” ayuu yiri Joseph Nkaissery.

Sidoo kale, Nkaissery ayaa xusay in Kenya ay u aragto heshiiskaas mid muhiim u ah dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dhadhaab, gaar ahaan ka hor doorashada ka dhacaysa Somalia sannadka soo socda ee 2016-ka.

Wasiirku wuxuu sheegay in maqnaanshaha taageerada beesha caalamka ee dib u celinta qaxootiga uu keenay inuu gaabis ku yimaado qorshaha qaxootiga dib loogu celinayo Soomaaliya.

Joseph Nkaissery ayaa ku booriyey beesha caalamka inay taageeraan qorshaha dib loogu celinayo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya; isagoo xusay in shir bishan ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium looga hadli doono arrinta qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya ayaa sheegay inay muhiim tahay in hay’adaha gargaarku ay ka qayb-qaataan dib u dejinta qoxootiga Somalida loona sameeyo kaabayaashii aasaaska u ahaa nolosha bani’aadamka.

Ugu dambeyn, wasiirku wxuu tilmaamay in Kenya uu waajib weyn ka saaran yahay sidii ay u sii wadi lahayd mas’uuliyadda ka saaran qoxootiga; ayna kala shaqeyn doonaan saaxiibadooda caalamka sidii loo sii kordhin lahaa taageerada la siiyo qoxootiga.

Si kastaba ha ahaatee, qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa nus-malyuun qof; kuwaasoo qaarkood ku nolaa xeryahaas tan iyo markii ay Somalia cagaha la gashay burburka iyo colaadaha sokeeye.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here