Kismaayo(INO)- Magaalada Kismayo waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray xarun lagu dhaqan-celiyo maleeshiyaadka iyo dhallinyarada yar-yar taas oo in muddoo ah ay dib u dayactir ku sameyneysa safaaradda dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.
Xaruntan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashaday hirgelinteeda hay`adda Rule of Law Security Institutions Group (ROLSIG) oo ah hay`ad hoos tagta xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.
Xafladda xarig-jarista ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxa hay`adda Rule of Law Security Institutions Group (ROLSIG), Staffan Tillander, madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Mohamud Sayyid Aden iyosafiir ku xigeenka Jarmalka ee Soomaaliya Markus Bollmohr. Xaruntan cusub ayaa waxaa ay qaaddaa boqollaal maleeshiyaad dhaqan-celin loo rabo, waxaana si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka Jubbaland.
|