Dowladda iyo Puntland oo toddobo qodob ka soo saaray shirkii Magaalada Garoowe

0
221

Garowe(INO)-Iyadoo shir laba maalmood qaatay uu Magaalada Nairobi ku dhex maray Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland, ayaa waxaa laga soo saaray qodobo toddobo gaaraya.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya Ridwaan Xaaji C/weli oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa waxa uu u akhriyay qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Qodobada, ayaa sidatan u qornaa:

1- Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii horey loo galay

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen labada dhinac , oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wada galeen labada dhinac 14kii October ee sanadkii 2014. Si arrintaasi loo gaaro waxaa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas,waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

2- Shuruucda ay DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran

Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Qodobkiisa 111aad, Farqaddiisa 2aad.

3- Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya

Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

4- U diyaar garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah.

Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6dii Febraayo 2015, waxaa lagu qaban doona kulanka madasha wadatashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha Abriil 2015, waxaana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee horey la iskugu waafaqay ay soo dhamaystiraan taabbagalinta hawlaha madasha heer qaran.

5- Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya

Si loo dhiso ciidan qaran oo leh sumad qaran waxaa laysku afgartay in sadex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey Dawladda Puntland.

6- Doorka Puntland ee Wadahadalada Dawladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland

Waxaa lasoo dhaweeyay sida Dawladda Soomaaliya ay u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wada hadaladii ugu danbeeyey.

7- Is-kaashiga hay’adaha dawladda Federaalka soomaaliya iyo Dawladda Puntland.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha

labada dhinac sida:

Arrimaha dastuurka
Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada
Iskaashiga qorshaha qaranka
Siyaasadda Isgaadhsiinta qaranka.

Idale News Online, Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here