Muqdisho (INO) — Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay talaabada Golaha Wasiirrada uu ku ansixiyey istaraatiijiyadda cusub ee looga hortagayo khatarta argagixisada ay ku hayaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu kalsoon yahay istaraatiijiyaddan cusub oo uu sheegay in la ansixiyey xilli loo baahnaa.
“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si wanaagsan ayay uga war haysaa xanuunka falalka argagixisonimo ay ku reebi karaan qaranka. Istaraatiijiyaddan waa mid dhameystiran oo casri ah, taas oo ka dhalatey cilmi baaris ballaaran o la sameeyay iyo qiimeyn aad u qoto dheer. Waa istaraatiijiyad lagu saleeyay Soomaaliya, taa ayaana ah sababta aan kalsooni buuxda ugu qabo, xukuumaddana ay u ansixisey.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaaney Ciidammada Qalabka Sida e Soomaaliya sida geesinimada leh ee ay mar walba ugu adeegayaan qarankooda.
“Soomaaliya waxay soo martey waayo xanuun badan iyo rajo xumo, laakiin rajada weligeedba nooleyd ee dalka waxay ahayd kalsoonida ay qabeen shacabka iyo shaqada adag ee ay hayaan ciidammada milatariga iyo booliska ee rag iyo dumarba isugu jira, kuwaas khatarta jirta ka sokow, horey u sii wadey fulinta waajibaadkooda muqaddaska oo ah inay qaranka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan cadowga’’.
Waxaa kale oo madaxweynaha ka hadley muhimadda in si dhow looga war hayo ciidammadaasi qaranka u adeegaya.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka go’an inay hirgeliso waajibaadkeeda kaga aaddan u adeegista shacabka iyo daryeelka haweenka iyo ragga ka tirsan laamaha amniga , kuwaas oo maalin walba dagaal kula jira kuwa doonaya inay waxyeeleeyan qaranka Soomaaliyeed. Waxaa ciidammada laga haqabtiri doonaa baahiyada xuquuqaha sharciyeed, dharka, gawaarida iyo qalabka kale ee ay u baahan yihiin si ay ula tacaalaan cadowga kuwa gudaha jooga iyo kuwa dalalka dibedda ka hawlgala intaba’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale xusey in istaraatijiyaddan cusub ee la dagaalanka argagixisada ay tahay mid qeyb ka ah siyaasadda dowladda ee ku wajahan xasilinta dalka.
“Labadii sanno ee la soo dhaafey Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal dheer u gashey inay dejiso, isla markaana dhaqangeliso istaraatiijiyad amni oo buuxin kara caqiiddada shacabka Soomaaliyeed, kaas oo ku saleysan sharciga, xuquuqda aadanaha iyo nidaamka kale ee la xiriira. Istaraatiijiyaddan cusub ee la dagaalanka argagixisada waxaa uu kulminaya waxyaabo badan oo muhiim ah, laakiin waa in la ogaadaa in tallaabadan ay tahay uun qodob qura ama tiir ka mid ah barnaamijka ballaaran ee dowladda ee ku aaddan amniga iyo xasilinta, balse waa tiir dhab ahaantii aad muhiim u ah.’’
“Waxaan dhammaanteen marqaati ka nahay isku-dayada fuleynimada ku dhisan ee Al Shabaab ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan horumarka dalkeena iyo dalalka aynu deriska nahay, laakiin ciidammada dowladda waxay labadii sanno ee la soo dhaafey ay si joogto ah u wiiqeen awoodda Al Shabaab ay ku carqaladeyn kartey nolosha shacabkeena.’’
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusey in istaraatiijiyaddan ay muhiim u tahay dadaalka dib u dhiska qaranka Soomaaliya.
“Walow ay jiraan weeraro argagixiso iyo dilal qorsheysan, dadka oo xoog lacag looga qaato, cagajugleyn, haddana dowladda iyo ciidammada amniga waxay sii wadaan inay horey u sii dhaqaaqaan, hadafkuna waxaa uu yahay inay ka dhabeeyaan rajada dadka Soomaaliyeed ee dhismaha bulsho mideysan oo dimoqraadiyadda sal ay u tahay. Istaraatiijiyaddan kuma koobna oo keliya hadafka dowladda ee fulinta waajibaadka kaga aaddan shacabka Soomaaliyeed, balse waxay si cad u qeexeysaa in istaraatiijiyadda la dagaalanka argagixisada Soomaaliya ay muhiim u tahay dib u dhiska qarankeena.’’
Waxa kale oo uu madaxweynaha sheegay in tallaabadan Golaha Wasirrada uu ku ansixiyey istaraatiijiyaddan ay si weyn wax uga tari doonto dagaalka lagula jiro Al Shabaab.
“Ugu dambeyntii waxaa hadafkeenu qaran ahaan uu yahay in Soomaaliya ay mar kale noqoto waddan nabad ah, oo arrimahiisa ku mashquulsan, ku kalsoon mustaqbalkiisa, door wanaagsanna ka cayaarta arrimaha gobolka. Inagoo ka shidaal qaadaneyna weerarradii waxashnimo ee lagu qaadey hoteelka Makka al Mukarama, iyo Jaamacadda Gaarissa ee waqooyiga Kenya, waxay istaraatiijiyadan ina siineysaa qaab aan uga hortagno kuna wiiqno awoodda Al Shabaab gudaha iyo tan gobolka intaba.”
Idale News Online – War Saxaafadeed