Dowladda Ciraaq oo ku dhawaaqday baroor diiq qaran, kadib qaraxyadii lagu hoobtay

0
333

Baghadad(INO)— Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, kadib markii qaraxyo galaaftay nolosha dad ka badan 100-ruux oo ka dhacay xaafad ay ku badan yihiin dadka Shiicada ah.

QARAX

Gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday wado aad u mashquul ah oo ay ku dhow yihiin masaajid iyo goobo ganacsi.

Kooxaha gurmadka deg dega ayaa xaqiijiyay in 125 ruux ay ku dhinteen qaraxyadaas oo ahaa kuwii ugu xooganaa ee ka dhaca Ciraaq sanadkan.

Calanka dowladda Ciraaq ayaa hoos loo dhigay saddexda maalmood ee baroor-diiqda socoto, sidoo kale ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas ayaa xalay isugu soo uruuray halkii qaraxa ka dhacay, iyagoo u duceynayay.

Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkaas dadka badan galaaftay.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Haider Al-Abadi oo tagay goobta qaraxa ka dhacay ayaa dad careysan kala kulmay dhagxaan, iyagoo ku eedeeyay musuq maasuq.

Waa qarixii ugu dhimashada badnaa ee sanadkan ka dhaca Ciraaq, waxaana uu ku soo beegmayaa todobaadyo kadib markii kooxda Daacish laga saaray magaalada Fallujah.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay