Dowladda Belgium Oo Kenya Ka Taageereysa Sugida Amaanka Dalkaasi

0
316

Brussels (INO) — Ra’iisul Wasaaraha Dalka Belgium Charles Michel ayaa kulamo kala duwan oo ku aadan amniga waxuu Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta kula qaatay Magaalada Brussels ee Xarunta Dalkaasi.

Ra’iisul Wasaare Charles Michel iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa ka wada hadlay sidii labada Dowladood ay u wanaajin la haayeen xiriirka labada Dal islamarkaana Dowladda Kenya gacan looga siin la ahaa sugida amaanka Dalkeeda.

Mr. Charles Michel ayaa balan qaaday in Dowladiisa ay dhanka amaanka ka taageeri doonto Dowladda Kenya maadaama Dalkaasi uu wajahayo Weeraro xoogan oo uga yimaada Xarakada Al Shabaab.

Kenya ayaa la harjadeysa ka hortaga Weerarada qorsheysan ee Xarakada Al Shabaab ay mararka qaarkood ka geystaan qeybo ka mid ah Dalkaasi.

Sikastaba, Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa dhawaan ka digay Weerar xoogan oo Al Shabaab ay ka fuliyaan Magaalooyinka Malindi, Mombasa iyo Nairobi ee Xarunta Dalkaasi Kenya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay