Dowladaha Britain iyo Mareykanka ayaa sheegay inuu weli jiro farqi weyn oo u dhexeeya Iran iyo lixda dowlad ee ugu awoodda badan caalamka si ay isugu dayaan inay heshiis buuxa ka gaaraan sidii loo xaddidi lahaa barnaamijka Nuclear-ka Iran.Wada xaajood yada ayaa la filaayaa inay sii socdaan illaa dabayaaqada isbuucan oo ah xilliga kama dambeysta ee heshiiska.
Guddiga arrimaha dibadda ee barlamaanka Britain ayaa sheegaya in Madaxweynaha Iraan Xasan Ruuxaani loo aamino sida qof ay ka go’an tahay heshiiska, loona eego ficilladiisa oo aan la fiirinin hadalkiisa.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry iyo wasiirada arrimaha dibadda ee ku kulmaya magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa dadaalkooda waxa uu yahay in illaa dhammaadka isbuucan ay gaaraan heshiis xilli lagu xaddidayo barnaamijka Nuclear-ka Iraan. Balse kullankii ugu horeeyay waxa uu dhammaaday iyadoo aan waxba la isku afgaran.
Heshiiska hadda shaqeynayo ayaa lagu wadaa inuu dhammaado Axadda soo socota. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, William Hague, ayaa sheegay inay weli jirto kala fogaan weyn, taas oo horey uu u sheegay dhigiisa dalka Faransiiska Laurent Fabius.
Golaha Wasiirrada Iraan oo kulmay waxayna sheegeen in aysan cadeyn in kala aragti duwanaanta la isaga soo dhowaan karo, iyadoo dhinacyada ay riixayaan sii socoshaha wada xaajoodka.
Haddii xilliga kama dambeysta ee heshiiska hadda uu dhammaaday iyadoo aan heshiis kale la gaarin waxay soo dedejin kartaa cunna qabateyn kale oo la saaro Iiraan, balse mid taa la mid ah waxaa suurta gal ah in la ballaariyo heshiiska hadda shaqeynaya.
Guddiga arrimaha dibadda ee barlamaanka Britain ayaa soo saaray warbixin ay uga codsanaayaan dowladda Britain ay eegto oo ay aaminto ficiladda Madaxweynaha Iran haddii uu yahay qof doonaya heshiis ama inuu yahay qof raba in cunna qabateynta laga qaado.
Xildhibaanada ayaa aad uga dooday inuu jiray qorshe cad oo lagu soo doortay Ruuxaani iyo inuu jiro maamul hoose. Balse waxa ay ku soo afjareen dooddooda in aarinta ay tahay dhaqankiisa balse aan la eegin ereyada uu ku hadlaayo.
Idale News Online, New York.