Muqdisho(INO)- Wasiirka gaashaandhigga Ingiriiska Penny Mordaunt MP oo Soomaaliya soo booqatay ayaa sheegtay in dalkeeda uu bixin doono ilaa $ 4.3 million oo lagu taageerayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, arrintan oo qeyb ka ah sanduuqa UN Somali National Army Trust Fund.
Wasiirka ayaa sheegtay in lacagtan loogu talo-galay in ciidamada qalabka sida laga taageero dhanka raashiinka, Shidaalka iyo daawada.
Wasiirka oo hadashay ka dib markii ay kulan la yeelatay ra’iisul Wasaaraha dalka Cumar Cabdirashid waxaa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Uk ay bixiso lacag dhan $ 4.3 million oo lagu gacan siinayo SNA iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab iyo dib u soo celinta laamaha ammaanka dalka.
Wasiirka waxaa ay soo hadal qaatay in xilligan dalka uu ku jiro xaalad loogu diyaar garoobayo doorasho in dalka ka dhacdo 2016-ka, arrimaha ammaankana waxaa ay muhiim u tahay in dalka ay ka dhalato nabad iyo horumarka dalka Soomalaiya.
Wasiirka oo axaddii booqasho ku timid Soomaaliya waxaa ay la kulantay ra’iisul Wasaaraha dalka Cumar Cabdirashid, Wasiirka gaashaandhigga General Abdulkadir Sheikh Ali (Diini), Wasiirka amiga gudaha Cabdirizak Cumar Mohamed;
Ugu dambeyntii, Ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey Michael Keating, Francisco Madeira ergeyga ama wakiilka midowga Afrika iyo taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed Maj Gen Mohammed Aden Ahmed iyo mas’uuliyiin kale.
Idale News Online, Muqdisho