Dowlada Uganda Oo Beenisay In Boqolaal Askari Ay Kala Baxday Dalka Soomaaliya

0
410

Kampala ( INO)-Dowladda Uganda ayaa beenisay in Dalka Soomaaliya ay kala baxeyso Ciidamada ka socda Dalkeeda, qeybtana ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

Korneel Paddy Ankunda oo ah Afhayeenka Ciidamada Dowladda Uganda ayaa been aan sal iyo raad toona la heyn ku tilmaamay Weerarka sheegaya in Dowladda Uganda ay Ciidamadeeda kala baxeyso gudaha Dalka Soomaaliya.

Afhayeen Paddy Ankunda ayaa waxuu sheegay in Dalka Uganda uu yahay Dalkii ugu horeeyay oo Ciidamo ku howlgalka magaca AMISOM u dira Dalka Soomaaliya Sanada 2007-dii, isagoona xusay in Soomaaliya ay u joogaan ka qeyb qaadashada xasilinta Dalkaasi.

Waxaa sidoo kale uu tilmaamay qorshaha ay u joogaan Soomaaliya in ay tahay sidii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga taageeri la haayeen wiiqida awooda Xarakada Al Shabaab.

Isagoo hadalkii sii wata ayaa ugu dambeyn, waxuu carabka ku dhuftay in dib u eegis ay ku sameenayaan howlgallada Nabad Ilaalo ee ka socda Dalka Soomaaliya, maadaama dhawaan Midowg Yurub uu jiray %20 dhaqaalihii uu heli jiray howlgalka AMISOM.

Idale News Online,Kampala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here