Ankara(INO)-Raysalwasaaraha Turkiga Ahmed Dovutoglu ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay xasuuq iyo baro-kicin ka wadaan gobalka Latakiya ee waqooyiga dalka Siiriya.
Raysalwasaare Dovutoglu oo Arbacadii shalay saxaafada kula hadlayey magaalada Istanbul ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ee saldhiyada ka sameystay gobalka Latakiya ee Siiriya ay bilaabeen inay dhulkooda ka baro kiciyaan Qowmiyada Turkiga ee gobalkaasi degen iyo waliba dhamaan dadka Sunnida ah.
“…Waxay doonayaan in ay goobaha ay saldhigyada ka sameysteen ay ka baro-kiciyaan dhamaan dadka Sunnida ah iyo qowmiyada Turkiga ee ku dhaqan gobalka Latakiya…”ayuu yiri Raysalwasaare Dovutoglu.
Wuxuu sheegay Raysalwasaaraha in tilaabadan ay noqoneyso mid sidoo kale si dad-ban uu Ruushka ugu fududeenayo kooxda ISIS inay dhulkaasi soo gasho, maadaama sunnida ay baro-kicinayaan ay yihiin kuwo la dagaalamaya kooxda ISIS.
Dalalka Ruushka iyo Turkiga ayey xiisad ka dhex taagan tahay tan iyo markii uu Turkiga soo riday mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee duqeynta ka wada dalkaasi Siiriya.
Saldhigyada iyo Xarumaha Militari ee fariisinka u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Siiriya ayaa intooda badan ku yaal gobalka Latakiya ee waqooyiga wadanka Siiriya, gobalkaasi ayey kuwada noolaayeen dadka Calawiga ee uu kasoo jeedo hogaamiyaha dalkaasi Bashaar Assad iyo waliba dadka sunnida ah ee u badan qawmiyada Turkiga.
Idale News Online, Ankara