Dowlada Somalia oo wado Siyaasado lagu soo xiragalinaayo Horjoogayaal ka tirsan Xoogaga Alshabaab

0
286

Muqdisho(INO)-Saraakiisha Amaanka Dowlada Somalia, ayaa laga soo xigtay in Dowladu ay wadahadal kula jirto Tiro Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab.

Horjoogayaasha ay Dowladu wada-hadalka kula jirto, ayaa la sheegayaa in Kooxda ay ku dhex leeyihiin miisaan, iyadoona wada-hadalka uu garwadeen ka yahay Horjooge aan magaciisa la shaacin.

Mid kamid ah Saraakiisha Dowlada oo magaciisa ka gaabsaday sababa jiro awgood ayaa waxa uu Tilmaamay in wada-hadalka uu maraayo heergabogabo islamarkaana ay bulshada Soomaaliyeed dhaayahooda ku arki doonaan Horjoogayaal caan ka ah dhanka Alshabaab oo kusoo biiri doona Dowlada Somalia.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in dadaalkaasi uu bilowday ka gadaal markii duqeymo cirka ah lagu dilay Hogaamiyii mintadka ahaa ee Kooxda Axmed Godane.

Hadalkaani ayaa imaanaya xili dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Dowlada ay qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee ururka Al Shabaab ay kula jiraan wada-hadal, halka qaarna uu tilmaamay in lagu dilay duqeymo iyo duulaan lagu qaaday kooxda.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here