Dowlada Soomaaliya ayaa ka bilowday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe shan mashruuc oo ah mashaariic horumarineed.
Mashaariicdan oo ay maalgelinayso dowlada Imaaraadka Carabta ayna hirgelinayso Shirkad lagu magacaabo Kaafi ayaa waxa ay ka kooban yihiin Iskuul Waxbarasho,Isbitaal, Ceel Biyood Riig ah,Saldhig Boolis & Xafiisyada Maamulka degmada.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow & Guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan Xaaji ayaa si wada jira u dhagax dhigay dhismaha xarumahan cusub ee dowlada Soomaaliya ka hirgelineyso magaalada Jowhar.
Ingineer Yariisoow oo ka socday Shirkada Kaafi oo hadalo kooban jeediyay ayaa sheegay in dhismahaani uu socon doono mudo lix bilood ah isagoo sheegay in guud ahaan dadka ka faa,iideysano dhamaan ay yihiin shacabka reer Jowhar.
Xaflad kooban oo dhagax dhig ahayd oo lagu qabtay xarunta shirkadda Farjano ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa uu bogaadiya guddoomiyaha degmada Jowhar Max,ed Amiin Cimaan Xaaji howlaha mashaariicda ee laga hir galinayo magaalada Jowhar isagoo tusaale u oo qaatay dayactirka lagu sameyay qeybo ka mid ah wadada dhex marta magalaada Jowhar nalalka ku shaqeeya cadceeda iyo xarumaha 5 ta oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ka hirgalineyso magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe Ing; Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa uga mahadnaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya madaama ay Jowhar noqatay magaaladii ugu horeysay oo ay Dowlada Soomaaliya ka hirgaliso gobolada dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhamaadkii sanadkii hore booqasho ku yimid magaalada Jowhar ayaa sheegay in magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ay ka mid yihiin toban magaalo oo ay dowlada Soomaaliya ka hirgelinayso mashaariic horumarineed.






