Dowlada Shiinaha Oo Ciidan Badan Usoo Diraysa Soomaaliya

0
220

Bajin(INO)-Dowlada China ayaa ciidamo ka tirsan ilaalada xeebaha dalkaasi usoo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda Soomaalida.

Ciidamadaasi loosoo diray xeebaha Soomaaliya ayaa kasoo laabtay daad gureyn ay u sameeyeen muwaadiniintoodii kaga sugnaa dalka Yemen, kuwaasi oo ku biiray burcad badeeda Soomaalida.
Saraakiisha dowlada Shiinaha ayaa sheegay in seddex markab iyo 800 oo badmaaxiin iyo ciidamo qaas ah ay kasoo tageen magaalada Dekada leh ee Zhoushan ayna soo gaareen xeebaha gacanka Cadan.
Tan iyo sanadkii 2008 ciidamada dowlada China ayaa qeyb ka ahaa howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida oo ay ku mideysan yihiin ciidamo ka socda wadamada Yurub.

Ciidamadaasi cusub ayaa qeyb weyn ka qaadan doona la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.

Idale News Online Bajin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here