Kampala(INO)-Booliska dalka Uganda ayaa sheegay in heegan ay geliyeen ciidamadooda waxii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday dalka Kenya oo ay ku dhinteen 148 ruux oo ku sugnaa jaamacada magaalada Gaarisa.
Gen. Kale Kayihura, oo kamid ah saraakiisha booliska Uganda ayaa saxaafada u sheegay in hayadahooda sirdoonka ay ka warheleen qorshe Alshabaab ay doonayeen iney ku weeraraan goobaha waxbarashada ee dalka Uganda.
Sarkaalka u hadlay booliska dalka Uganda ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay galeen feejignaan dheeri ah oo looga hortagayo weeraro Alshabaab ay ka geystaan goobaha waxbarashada ee Uganda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in saraakiisha sar sare ee booliska lagu wargeliyay iney adkeeyaan amaanka goobaha ay ku badan yihiin dadka shacabka, ayna qaadanayaan amarka wasiirka waxbarashada si goobaha waxbarashada loo adkeeyo.
Booliska ayaa cadeeyay in digniinta dhanka amaanka ay ku wajahan tahay guud ahaan dalka Uganda maadaama kooxaha weerarka geysanaya aysan u kala saarneyn goobaha dadka rayidka ku badan yihiin.
Shacabka magaalada kampala ayuu ka dalbaday iney la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago weerarada Alshabaab ay ka geysan karaan dalka Uganda.
Alshabaab ayaa sanadkii 2010 dalka Uganda ku dilay inka badan 70 ruux oo daawanayay goob ciyaar kama dambeys ah ay ka socotay.
Idale News Online, Kampala