Nairobi(INO)-Waaxda arimaha dibada ee Mareykanka ayaa cambaareeysay weerarkii Alshabaab ay jimcihii lasoo dhaafay ku qaaday saldhiga ciidamada AMISOM leeyihiin ee ku yaala gobolka Gedo, kaasi oo askar Kenyan ah ay ku dhinteen.
Qoraalka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in dowlada Mareykanka ay kordhin doonto taageerada ay siineyso ciidamada ku sugan dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Alshabaab.
Afhayeenka Waaxdaasi John Kirby, ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay caawinaad dheeri ah siineyso ciidamada Kenya si ay isaga difaacaan ciidamada Kenya ee kusugan gudaha dalka Soomaaaliya.
Mareykanka ayaa si toos ah u taageera ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya waxaana la sheegayaa in 500 Milyan oo doolar uu ku bixiyo tababarka ciidamada ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo ka socdo dalalka Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Burundi, Uganda, Nigeria iyo Ghana.
Sidoo kale Mareykanka ayaa dhaqaalo dheeraad ah siiya AMISOM isaga oo u marsiinaya hayadaha Qaramada Midoobay waxaana lagu sheegay in sideedii sano ee lasoo dhaafay mareykanka uu bixiyay 1 Bilyan oo doolar.
Afhayeenka ayaa si cad u sheegay in dowlada Mareykanka ay taageero buuxda ka siin doonto sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada kaga imaanaya ururka Alshabaab oo marar badan weeraray dalka Kenya.
Idale News Online, Nairobi