Dowlada Maraykanka oo si khalad ah uga baxsatay Sir Muhiim ah!

0
174

Dowlada Maraykanka ayaa si khaldan u faafiyey Magaca sarkaalka ugu sareeya ee sirdoonka ku sugan magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistaan.

Arrintan ayaa dhacday kadib markii Warsaxaafadeed kasoo baxay Aqalka cad oo loo diray Saxaafada lagu daray magaca Sarkaalkan sare oo ah Madaxa CIA-da xafiiska ay ku leeyihiin magaalada Kabul, arrintaasi oo ah sir muhiim ah oo aysan dowlada Maraykanka marnaba bixin.

Khaladkan ayaa dhacay xili uu habeenimadii Axadii dalkaas Afghanistaan safar kadis ah ku tagay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, Warsaxaafadeedka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu qoray magacyada Mas’uuliyiinta uu Obama la kulmi doono intuu ku sugan yahay Kabul, waxaana si khaldan loogu daray magaca sarkaalkan oo ahaa mid qarsoodi ah oo aan saxaafada loo ogoleyn inay ogadaan.

Balse Warsaxaafadeedkan ka fakaday Aqalka Cad ayaa gaaray suxufiyiin ka badan 6000 oo kamid ah kuwa sida joogtada ah uga hela warsaxaafadeedka xafiiska Madaxweynaha Maraykanka.

Aqalka Cad ayaa dib u daabacay warsaxaafadeedka iyagoo markii danbe ka saaray magaca sarkaalkaasi oo ahayd sir muhiim ah.

Warbaahinta heshay Warsaxaafadeedka sirtaasi ku jirtay ayaa sheegay inaysan shaacin doonin magaca sarkaalka CIA-da ee maamulka xafiiskooda Kabul.

Magacyada Saraakiisha u shaqeeya Dowlada Maraykanka ee Sirdoonka CIA ayaa ah kuwo aan marnaba la shaacin, waxaana usii dheer in si weyn loo illaaliyo xogta shaqsiyadeed ee saraakiisha sar sare ee CIA-da ee ka shaqeeya dalalka caalamka iyo safaaradaha Maraykanka.

Obama

Idale News Online, Washington