Dowlada Koonfur Galbeed oo wax ka qabanaysa dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Sh.Hoose

0
387

Baydhabo (INO)—Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cumar, kana mid ah Guddi dhawan Madaxweyne Shariif Xasan uu u magacaabay xalinta dhibaatada ka aloosan Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in Guddigooda wax badan uu ka qaban doono Dhibaatooyinkaasi.

Maxamed Sheekh Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Koonfur Galbeed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo la geynayo Gobolkaasi si ay wax uga qabtaaa dhibaatooyinka ka taagan Gobolak Sh.Hoose.

Wasiir Maxamed ayaa tilmaamay in Koonfut Galbeed Soomaaliya ay ka go’an tahay xal ka gaarida Dilalka iyo Dagaalka ku soo noq noqday Gobolkaasi.

Mr. Maxamed ayaa xusay in Guddiga la magacaabay ay dhawaan tagi doonaan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose, halkaasi oo wada hadal ay ugu furi doonaan Beelaha degga Gobolka Sh.Hoose.

Hadalka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Koonfur Galbeed ayaa waxuu imaanayaa xili maalmihii la soo dhaafay ay Gobolka Sh.Hoose ku soo kordheen Dilal ku saleyn aanoyin qabiil.