Nairobi (INO)–Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Kenya, Joseph Nkaissery ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonaan dhismaha darbiga dhererkiisu lagu qiyaasay in uu dhan yahay 700Km, kaasi oo laga dhisayo soohdinta ay la wadaagto Dalka Soomaaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowladda Kenya waxuu sheegay in dhismaha darbigaasi aysan waxba u dhimi doonin dhaq dhaqaaqa Soomaalida.
“Dhisida darbigan dheer waxuu naga caawin doonaa in aan baaritaan ku sameyno ama gacanta ku dhigno Dadka xiriirka la leh Al Shabaab ka hor inta aysan gudaha u gelin ama ka soo bixin Dalka Kenya” ayuu yiri Wasiir Joseph.
Wasiirka ayaa waxuu xusay in ay jiri doonaan goobo laga soo gallo Dalka oo ku yaalla Magaalooyinka Mandera, Ceelwaaq iyo Libooye, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Sarkiil ka tirsan waaxda socdaalka Dowladda Kenya.
Idale News Online, Nairobi