Dowlada Kenya oo sheegtay inuu dhintay Sheikh Cali Dheere iyo Ceebtii ugu weyneyd oo

0
236

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sheegay in afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) uu ku dhintay weerar dhinaca cirka oo diyaaradaha Kenya ay ka geesteen Soomaaliya, inkasta oo xaqiiqda ay sidaas ka duwan tahay.

Wargeysyada ka soo baxa Kenya oo warkan saakay qoraya ayaa soo xignaya afhayeen u hadlay ciidamada Kenya Major Emanuel Chirchir, oo sheegay in la dilay Cali Dheere, uuna u geeriyooday dhaawac soo gaaray laba bilood ka hor.

Cali Dheere ayaa Kenya waxa ay leedahay in uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerarka ciidamada cirka Kenya ay ka geesteen degmada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Cali Dheere ayaa ka mid ah ragga sidda weyn loo raadinaayo ee ku jirra liiska waxay reer Galbeedku ugu yeeraan argagixisada.

Si kastaba, warka dowladda Kenya, ayaa u muuqda Propaganda aan si fiican looga fakarin oo ceeb ah, sababta oo ah Cali Dheere shalay ayay ahayd markiiuu ka hadlayey idaacadaha Muqdisho, isaga oo digniiino cusub soo saaray, waana fashil dowladda Kenya haysta, sida aanay xittaa xaaladda ula socon.

Ciidamada iyo saraakiisha Kenya xittaa lama socdaan warbaahinta, waayo nin shalay hadlayey ma aysan dhaheen shalay ayuu geeriyooday, waxaana tani ay muujineyso garaadkooda ciidan ee liita.
CALI-DHEERE-1

Idale News Online, Kenya.