Madaxweynaha dowlada Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay hadal niyadjab ku riday dowlada Soomaaliya oo ah ineysan marnaba Kenya ka laaban doonin go’aanka ay ku xireyso xerada qaxootiga ugu badan degan yihiin ee Dhadhaab.
Uhurru Kenyatta, ayaa sheegay in go’aanka Kenya uu yahay mid aan marnaba laga laaban doonin oo la xeri doono xerada Dhadhaab ee dalka Kenya oo Kenya sheegtay in Alshabaab ku dhuumaaleystaan.
Madaxweynaha Kenya ayaa beesha caalamka u sheegay in looga baahan yahay iney qeyb weyn ka qaataan sidii loo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab.
“Tillaabada ay qaadday Kenya ee lagu celinayo qaxootiga ma aha in si qaldan loo fasirto mana aha mid aan isaga indha tireyno waajibaadka caalamiga ah” ayuu yiri Uhuru Kenyatta isagoo intaas ku daray in Kenya ay martigelisay qaxootiga wadamada deriska in ka badan Labaatan sano.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney Kenya kala hadleyso dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed, iyadoo beesha caalamka ay beeniyeen warbixino dowlada Kenya ay sheegtay oo ahaa iney Alshabaab gabaad u tahay Dhadhaab.
Waxaana hadalka dowlada madaxweyne Uhurru Kenyatta uu noqonayaa mid niyad jabweyn ku noqonaya dadaalka dowlada Soomaaliya ay dooneyso iney Kenya kala hadasho dib usoo celinta qaxootiga.
Idale News Online, Nairobi