Nairobi (INO)—Dowladda Kenya ayaa walaac xoogan ka muujineysa Xaalada amaan ee goobaha loo dalxiis tago ee ku yaaal Dalkaasi, maadaama laga qabsi weeraro halkaasi ay ka geystaan Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Dalxiiska oo ah waxa labaad ee ugu weyn wadanka ay dhaqaalo badan ka soo galaan ayaa %25 hoos u dhacay kadib markii qeybo ka mid ah Dalkaasi ay ka dhaceen Weeraro ay sheegteen Al Shabaab.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay kordhineyso qarashka ay ku bixiso ammaanka si ay uga dhaadhiciso dalxiisayaasha shisheeye inay soo laabtaan.
Waaxda Dalxiiska Dalka Kenya ayaa wada dadaalo Muwaadiniinta Dalka Chine looga dhaadhicinayo dib ugu soo laabashada goobaha loo dalxiis tago ee Dalka Kenya
Sikastaba, Weerarada Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa hoos u dhigay dhaqaalihii Kenya ay ka heli jirtay Dalxiiska maadaama dalxiisayaasha ay naftooda ugala baqeen in ay ku laabtaan Dalkaasi Kenya.
Idale News Online, Nairobi