Nairobi(INO)-Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka ay jeelka dhigeen Culimo gaareysa ilaa 17 kuwaasi oo u badnaa Somali.
Wadaadada la xiray oo u badnaa Somalia ayaa waxaa siyaabo kala duwan loogala baxay Masaajida ku taala deegaanka Marsabit kuwaasi oo looga shakiyay inay xiriir dhow la leeyihiin Maleeshiyaadka Alshabaab.
Mark Wanjala oo ah Taliyaha Booliska deegaankaasi ayaa warbaahinta u sheegay in wadaadadaani looga shakiyay inay xubin ka yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay ku sameynayaan baaritaano lagu xaqiijinaayo.
Xariga wadaadadaani, ayaa imaanaya iyadoo Dowlada Kenya ay sii laba jibaartay cadaadinta ay ku hayaan Soomaalida ku nool dalkaasi oo badankooda loo xiro tuhuno aan waxba ka jirin.
Sirdoonka Kenya ayaa wado baaritaano ay ugu jiraan Culimo iyo dhalinyaro kasoo jeeda dalka Somalia kuwaasi oo liiskooda la dhigay inta badan saldhigyada dalkaasi.
Idale News Online, Nairobi, Kenya