Dowlada Kenya oo Heshiis muhiim ah ku weysay Weerarada Kooxda Al Shabaab

0
374

Nairobi (INO)—Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ku shirayay magaalada Kampala ayaa go’aan waxey ku gaareen inay dhistaan dhuun weyn oo shidaalka ka qaada Ugandha oo gaarsiiso Tanzaniya.

Dhismaha dhuuntan waxaa la filayaa inay ku baxdo lacag gaareysa afar bilyan oo dollar, sidoo kalena shaqa abuuris ay u noqota 15,000 oo qof.

Shirkadda Total ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa diiday in Heshiiskaasi la siiyo Dowladda Kenya maadaama Shikada ay ku andacootay in qeybo ka mid ah Dalka Kenya aysan aheyn amni.

Kenya ayaa Heshiiskan ku weysan Weerarada xoogan ee Xarakada Al Shabaab ay ka geysanayaan qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in dhuuntaasi Shidaalka ay ka dhiseyso Magaalo Xeebeeda Lamu balse Magaalada ayaa lagu tilmaamay mid u nugul Weerarada Al Shabaab.

Tobanaan ka mid ah Dagaal yahanada Xarakada Al Shabaab ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Bari iyo Degaanada xeebta leh ee Dalkaasi Kenya.

Idale News Online, Nairobi