Madaxweynaha dalka Kenya ayaa wadahal la qatay taliyaha ciidmada mareykanka ee africa , General David Rodiguez, kaasi oo casuumad loogu fidiyay dalka kenya.
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa ugu horeyn madaxweynaha dalka kenya u sharaxay marka hore xiriirka kenya iyo mareykanka oo ku taxaluqa dadalada nabadeed ee ka socda dalka Soomaaqliya.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goobta ka sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sii wadida dadaalada nabadeed ee dalka ku yaala geeska Africa ee Soomaaliya.
Sarkaalka ka socday dowlada Mareykanka ayaa sheegay in amaan ka dhasha dalka Soomaaliya ay dan ugu jirto dalalka Kenya iyo Mareykanka, loona baahan yahay in arintaasi laga shaqeeyo.
Ciidamada dowlada Kenya ayaa gacnta ku haya qeybo kamid ah gobolada koofureed ee dalka, waxayn qeyb ka yihiin ciidamada ka socda AMISOM ee gaaraya 22,000 oo askari.
Sarkaalka ka socda dowlda Mareykanka wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan dadaalada iyo taageerada ay siinayaan ciidamada Kenya si looga hortago weerarada Alshabaab.
Idale News Online, Nairobi