Dowlada Japan Oo Maraakiib Dagaal Dheeri Ah U Soo Direysa Xeebaha Soomaaliya.

0
189

Japan: Maraakiib dagaal oo ka socota dalka Jaban ayaa gaaray xeebaha dalka Sri Lanka,waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Saraakiisha Badda Dowladaasi.

U jeedka Maraakiibta Jabaneeska ay u gaareen Sri Lanka ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay ugu soo gudbi lahaayeen xeebaha Soomaaliya si ay u sii laba jibaaraan dagaalka lagula jiro Burcad Badeeda Soomaalida.

Ujeedka Maraakiibtaan gaartay Sri Lanka waxay tahay xoojinta dagaalka lagula jiro Burcad Badeeda,waxay u sii gudbi doonaan Gacanka Cadan iyo xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Ciidamada Badda Jaban.

Dowlada Jaban ayaa horay qeyb uga ahayd howlgalka waxa loogu yeero Burcad Badeeda Soomaalida,waxayna hada balan qaaday inay howlgalkaasi sii laba jibaareyso.

Idale News Online, Tokyo, Japan.