Dowlada Japan OO Dib u Dayactir Ku sameeynayso Waddooyinka Baydhabo Janaay

0
237

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda mashruuc dib loogu dhisayo waddooyinka magaaladaasi.Mashruuca dib u dhiska waddooyinka magaalada Baydhabo ayaa waxaa hirgelineysa dowlada Japan, iyadoo qandaraaska dhismahaasi ay waddo hey’adda IMO.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed “Biikolo” ayaa dowlada Japan ku amaanay taageerada ay ku bixineyso dib u dhiska waddooyinka magaalada Baydhabo.

“Biikolo” ayaa sheegay in mashruucaasi uu qeyb ka yahay horumarka magaalada Baydhabo, isagoo xusay in ay shaqo ka heleen dad farabadan oo danyar ah kuwaasoo dhawaan ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Dowlada Japan ayaa ka mid ah wadamada xiriirka wanaagsan la lahaa Soomaaliya, iyadoo mashaariic kala duwan ka fulisay dalka burburkii ka hor.

Baydhaba Janaay.

 

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.