Dowlada iyo AMISOM oo wada qorshe dagaal oo Shabaab looga sifeynaayo wada isku xirta Baraawe ilaa Kismaayo

0
193

Ka dib markii abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed C/risaaq Khilaaf  loo diidey inuu galo magaalada Kismaayo, ayaa waxaa kulan deg deg ah isugu yimaadey dhamaan saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyagoo ka arrinsadey sidii aysan mar dambe u dhici laheyn in masuuliyiinta dowlada uusan fashil ugu imaanin tagistooda magaalada Kismaayo.

dagaalkaMarko

Waxaa socda abaabul wada jir ah oo ay wadaan ciidamada Barre Hiiraale, kuwa dowlada federaalka iyo weliba Ciidamada Uganda ee ka qeybta kuwa AMISOM sidii looga hurayn lahaa xarakada Alshabaab degmooyinka iyo wada dheer eer isku xirta Xamar iyo Kismaayo.

Masuuliyiinta dowlada ayaa aad uga carootay hadal uu Hogaamiyaha  Maamulka Jubba ee Axmed Maxamed Islaam ” oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ka sheegay kagana hadlay xaalada Barre Hiiraale oo uu xusay inuu Al-Shabaab la joogo. sidoo kalena sheegay in looga baahan yahay cidii Barre Hiiraale markab ku geysay Kismaayo inay ka soo kaxeyso, isagoo xusay in hadii Al-Shabaab la joogo iyo col kale, waxaana uu xusay in mashruuciisa uu dhamaaday.

Labada dhinac waa dowlada iyo Maamulka Jubbaland ayaa midba midka kale dagaal lagu qaado Alshabaab iclaamiyey hase ahaatee ujeedka dagaalka ay labada dhinac ay qaadayaa ay tahay mid u dhaxeyn doono dowlada iyo maamulka Jubaland oo si aad ah ugu kala aragti duwan siyaasada hergelinta federaalka iyo sidii in Col Barre Hiiraale oo ku go’doonsan uu u heli lahaa wado dhanka Muqdisho si ay ugu sahlanaanto saanada militari ee uu ka helaayo Muqdisho.

Barre Hiiraale oo ka mid ahaa siyaasiyiin looga itaal roonaaday dagaal ka dhacay Kismaayo labo bil ka hor, waxaana uu dhowaan iska fogeeyay inuu ku biiray Shabaab, isla markaana uu ku sugan yahay deegaano duleedka ka ah Kismaayo oo Al-Shabaab ay ka taliyaan.

Idale News Online