Dawladda Ingiriiska oo 60% dadkeedu aad u buurbuuran yihiin ayaa khubarada caafimaadku sheegeen in aan ilaa hadda daawo fiican loo hayn sidii looga hortagi lahaa cudurrada ka dhasha buurnida xad-dhaafka ah ee shacabkooda.
Dawladda Ingiriiska oo sidoo kale la dalaa-dhacaysay siday uga hortagi lahayd cabitaanka sigaarka oo ka mid noqday waxyaabaha ugu badan ee sababa dhimshada ayaa waqtigana ay ku soo biirtay cudurro ka dhashay buurni xad-dhaaf ah oo sannadadii ugu dambeeyey shacabka dalkaas asiibtay.
Khubarada caafimaadka ee dalkaas ayaa sannadkan bilawday olole ay kaga hortagayso waxyaabaha keena miisaanka jidhka ku kordha si ay u yareeyaan cudurrada buurnidu keento
Idale News Online