Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo taageertay Doorashada Axmed Madoobe ee Jubbaland State

0
224

Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya “DDSI” Cabdi Maxamuud Cumar ayaa u hambalyeeyay shacabka iyo  madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).Qoraal kasoo baxay madaxweynaha DDSI oo lagu baahiyay warbaahinta xukumada DDSI ayaa lagu yidhi wuxuu madaxweynuhu Bogaadiyay sida Midnimada iyo isjacaylka Walaalnimo leh ee ay Shacabweynaha reer Jubaland iyo Gedo ugu muujiyeen Codkooda iyo Rabitaankooda Doorashadii shalay dhacday kuna doorteen Madaxweynaha Dastuuriga ah Mudane Sheekh Axmed Maxamed islaan (Sheekh Axmed Shaboobe).

Qoraalka uu madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ugu hambalyeeyay shacabka iyo madaxweynaha Jubbaland ayaa sidan u qornaa:

——————————————————————-

Jigjiga( Khamiis May 16,2013]

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Mxamuud Cumar ayaa Bogaadiyay sida Midnimada iyo isjacaylka Walaalnimo leh ee ay Shacabweynaha reer Jubaland iyo Gedo ugu muujiyeen Codkooda iyo Rabitaankooda Doorashadii shalay dhacday kuna doorteen Madaxweynaha Dastuuriga ah Mudane Sheekh Axmed Maxamed islaan (Sheekh Axmed Shaboobe).

Madaxweynaha DDSI ayaa ku booriyay Madaxweynaha Jubaland in uu shacabkiisa ku hago nidaam maamul Cadaaladeed xaqsoora oo u horseeda shacabweynaha Jubaland state Midnimo,Horumar.isjacayl walaalnimo,Iskaashi,N/galyo iyo Kobac dhaqan dhaqaale oo ay ku hilmaamaan Diiftii ay mudooyinka badan ku soo jireen,sidoo kalana sii laban laabo halgankii loogu jiray ka Tirtirida Alshabaab dhamaanba Jubooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha ayaa mar labaad hambalyeeyay Natiijadii Doorahada Madaxweynaha ee ay Shacabweynaha Jubooyinka iyo Gedo ku muujiyeen Codkooda Doorashada Madaxweynaha Jubaland State,islamarkaana kula dardaarmay Jubaland State in ay Guntiga Dhiisha iskaga dhigaan dhamaystirka hawlaha qabyada ah

Xigasho DDSI Itobiya