Muqdisho ( INO)-Safiirka dowladda China ee Soomaaliya oo isagu La Magac baxay Warsame Geeljire oo maanta shir Jara’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay Mashaariic ay dowladdiisu ka fulineyso dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Safiirka Shiinahaa ee Soomaaliya in dowladiisa xiriir qoto dheer uu kala dhexeeyo Soomaaliya ayna dhawaan mashaariic hor leh ka fulin doonaan gobollada dalka Soomaaliya.
Meelaha ay Muhiimadda siin doonaan ayaa safiirka waxa uu shaaca ka qaaday in ay ka mid noqon doonaan dib u dhiska dalka, Goobaha waxbarashada iyo Caafimaadka iyo kuwa kale.
China ayaa horay Mashaariic horumarineed uga sameysay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka.
Inta badan Mashaariicda ay Shiinaha ka hir geliyeen dalka ayaa waxa ay sameeyeen xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Dowladdaas oo uu Hormuud ka ahaa allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaana iminka Shiinuhu ay safaarad ku leeyihiin gudaha dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho