Baydhabo(INO)- Waxa Goordhow ka bilaabmaya Hoolka Shirarka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, doorashada Gudoomiyaha Gollaha Shacabka iyo Labadiisa ku Xigeen iyadoona Musharaxiinta ku loolameysa Jagooyinkaaasi Maalintii shaley Laga Dhageystey Khudbado ay ku soo bandhigayeen Taariikh Noolaleedkooda iyo Waxyaabaha ay u qaban doonaan Shacabka iyo Nidaamka ay ku Higi lahaayeen Wakiilada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamanka KGS, Urur Goboleedka IGAD , Wasaaradda Arimaha Gudaha Ee Dowlada Dhexe iyo Ergiyo ka socoda Beesha Caalamana ayaa Ilaalin Doono Doorashadda.
Musharax Xildhibaan Cali Xasan Cismaan Iyo Xildhibaan C/ qadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Si weyn ugu tartami doonaan Gudoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana Xaley Shukaansi iyo raadin codad ay ka wadaaan Gudaha Madaxtooyada kuwaasoo iyaga oo si Gaar gaar ah ay ula kulmayeen Mudanayaashada Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Labadan Musharax ayaa waxay ka soojeedaan Degmooyinka Baraawe iyo Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Sidoo kale Ku Xigeenka Koowaad iyo labaad Ee Gudoonka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ku tartameya Xildhibaan Aweys Xuseen Macalin Oo Ka Soojeeda Degaanka Mareerey Gobolka Shabellaha Hoose, iyo weliba Shugri Bashiir Haajir, Xasan Buulle, iyo Xildhibaan Maxamed Nuur ay ka kala soojeedaan Degmooyinka Qansaxdheere, Wanleweyn iyo Tiyeeglow oo ka kala Tirsan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose.
Si kastaba ha ahaatee, lama Saadaalin karo cida sida rasmi ah ay ugu guuleysaneyso Jagooyinkaasi ee kala Gedisan, iyadoona musharax kasta uu wato Taagyeero fara badan.
Ugu dambeyntii, isla maanta ayaa la shaacin doona musharaxiinta ku Guleysata Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Iyo Ku Xigeenadiisa
Warkan Waxii Ka Soo Kordho kale Wararkeeyaga Dambe
Idale News Online, Baydhabo