Kismaayo(INO) – Tartankii kuraaska xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland ayaa weli ka soconaya magaalada Kismaayo, ayadoo maanta la doortay ilaa lix Mudane.
Doorashada ayaa saaka si dardar leh uga bilaabatay hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo, ayadoo ay xarunta ku sugnaayeen ergada lixda Beelood ee maanta ku tartameeysay kursiga aqalka hoose ee baarlamanka.
Gudiga doorashooyinka dadban ee Jubaland ayaa markii ay doorashooyinka soo idlaadeen warbaahinta u aqriyay xubnaha guuleystay, waxaana goobta ka shaaciyay ka C/casiis Sheekh Dayib oo gudiga qaran ee doorashooyinka dadban ee heer federaalka u qaabilsan Jubaland.
Xubnaha doorashadii maanta ku guuleystay ayaa kala ah sidan;
- Prof: Max’ed Cabdi Gaandi
- Max’ed Aadan Macallin
- Xaawo Max’d Aadan
- Aadan Isaaq Cali
- Max’ed Xasan Idiris
- Sahro Jaamaca Cali Qoorsheel
Dhinaca kale, Wakiilka gudiga qaran ee doorashooyinka dadban ee Jubaland ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha ay bulshada isticmaasho oo sheegayay in ciidamo gadoodsan ay la wareegeen hoolka ay ka socoto doorashada, isagoo sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah.
“Doorashada waad u jeedaan si qurux badan ayay noogu soo dhamaatay, wararkan la sheegayana waxba kama jiraan, hadayse run yihiin miyay halkan doorasho ka dhici lahayd,” sidaa waxaa yiri C/casiis oo warbahinta la hadlayay.