Doorashada Madaxweynaha Puntland iyo madaxweyne kuxigeenka ayaa goor dhow ka bilaaban doonta Xarunta Golaha Wakiilada ee magaalada Garowe, halkaasoo ay ku qul qulayaan Xildhibaanada 66-da xubnood ee matalaya beelaha Puntland, kuwaasoo soo dooranaya Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota.
Ammaanka magaalada Garowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la hakiyay dhamaan wixii gaadiid soo galayay kana baxayay deegaanada Puntland, si loo adkeeyo ammaanka, waxaana xalay magaalooyinka Puntland laga dareemay dhaq dhaqaaq ciidan oo aan horay loo arag.
Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Puntland ayaa waxay yihiin 11-musharax, kuwaasoo khudbado shalay ka hor jeediyay Golaha Wakiilada Puntland, khudbadahan ayaa isugu jiray kuwo ay balan-qaadyo ku sameynayeen musharaxiintu hadii loo doorto xilka iyo dhaliilo ay u jeedinayeen maamulkii hore.
C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo ka mid ah musharaxiinta ayaa sheegay in maamul hufan uu ku dhaqi doono Puntland, isagoo xusay in magaalada Laascaanood aanay beel ka qabsan oo uu Maamul ka qabsadya, hadii siyaasad uu ku soo celin waayo uu adeegsan doono xoog.
Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kana mid ah musharaxiinta C/raxmaan Faroole oo ahaa ninkii ugu dambeeyay ee khudbeeya musharaxiinta ayaa si jees jees ah ugu jawaabay khudbadaha ay jeediyeen musharaxiinta, isagoo xusay in Maamulkiisa uu ka ambaqaadi doono halkii ay ka soo bilaabeen Puntland oo aanay waligeed gaarin, hadii mar kale loo doorto xilka Madaxweynaha.
Doorashada maanta ka dhaceysa Garowe ayaa noqon doonta tii ugu kululeyd ee soo marta Puntland tan iyo markii la aas aasay sanadkii 1998-dii, waxaana musharaxiinta horay wacdaro uga soo dhigeen deegaanada Puntland intii lagu guda jira ololaha doorashada.
Dhinaca kale waxaa isla maanta lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ay u taagan yihiin 10-musharax.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe doorashada madaxtinimada Puntland